Home Wararka Maanta Xisbiga Socialdemokraterna Lacagta oo lagaa jarayo hadaadan baran Luuqada Swedishka..

Xisbiga Socialdemokraterna Lacagta oo lagaa jarayo hadaadan baran Luuqada Swedishka..

0

Xisbiga Socialdemokraterna ayaa ku jira Dadaalkiisa ku aadan sidii uu doorashada sanadkan ugu guuleysan lahaa waxana uu soo bandhigay qorshihiisa ku aadan doorashada iyo sharciyada cusub.

Sharciyada cusub ee uu soo gudbiyay waxaa kamid ah in qofka Sharuud looga dhigo in uu barto luuqada Swedhiska isla markana lagu xirin labada sano ee uu dalka kula qabsanayo hadii qofka uu cusubyahay.

Tusaale ahaan Hadii aad barato luuqada Swedhiska isla markana iska joojiso barashada luuqada ayaa lagaa joojinayaa lacagta aad qaadato.

Xisbiga ayaa doonaya in qofka laga jaro xataa lacagta uu ka qaato kamuunkiisa ee loo yaqaano ( socialbidrag ) ama ceyrta iyadoo lacagta kale ee arbetsformedlingen ay dhaqso kaga go.eyso.

” Waxaan adkeenay dalbashada gargaarka ee Gobolka hadana waxaan rabnaa in aan adkeeno mida degmada iyo waxa ay masuulka ka tahay ee dhanka caawinaada ” Ylva Johansson ayaa sidaasi sheegtay.

Xisbiga Moderaterna ayaa horay u qaaday tilaabadan oo kale hase yeeshee waxaa isaga dheeraad ku ahaa in xataa lagu xiro sharciga rasmiga ee deganaanshaha.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here