Home News in English Dadka Dhawaan Noqonaya Beeshinka oo loo kordhiyay Waqti ay galayaan..

Dadka Dhawaan Noqonaya Beeshinka oo loo kordhiyay Waqti ay galayaan..

0

Waxaa la kordhiyay sanadka qofka uu ku galayo waayeelnimada iyadoo saro loogu qaaday halsano iyo bar taasi oo ka dhigan in aad sii Shaqeyso si aad u gasho qeybta beeshinka.

Tusaale ahaan qofka da.diisa tahay 33 sano jirka ah ayaa beeshinka ku galidoona da,da 69 sano iyo shan bilood.

qayaasta sidii hore ayaa aheyd 68 sano jir iyo shan bilood taasi oo ka dhigan in saro loogu qaaday qaabkii hore.

Dhanka kale qofka Dhashay sanadka 2010 ayaa beeshinka waxa uu ku galidoonaa 72 sano taasi oo kadhigan in uu shaqeeyo ilaa uu ka gaaro 72 sano isla markana uu u helo lacagta ay helaan dadka hada ku jira qeybta beeshinka.

Qofka dhashay sanadkii 1952 iyo kuwa maanta dhashay ayaa qayaasta waxay ku kala duwan yihiin 5 sano in ay galaan qeybta waayeelka sida ay sheegeen Maamulka qeybta beeshinka ee (Pensionsmyndighetens).

Sida laga soo xigtay hay.ada hoolgabka Sweden waxaa sano u kacay mushaharka ugu danbeeyay kaasi oo gaaray 53 ilaa 57 Percent.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here