Home Wararka Maanta Imtixaanka Teoriga Gaariga ee Trafikverket oo qaab cusub loo badalay..

Imtixaanka Teoriga Gaariga ee Trafikverket oo qaab cusub loo badalay..

0

Waxay u muuqataa fursadihii u danbeeyay ee lagu heli karo imtixaanka tijaabada ee loo yaqaano ( kunskapsprovet ) kaasi oo dadka galaan marka ay qaadanayaan sharciga ogolaanshaha gaari wadista ee ( Körkort) marka la fiirsho su.aalihii hore.

guud ahaan ayaa la badalay su.aalaha qaarkood kuwaasi oo dadka ku soo laabto marka uu sameenayo Teariprovka waxana laga dhigay qaab ka duwan sidii hore iyadoo marka aad imtixaanka sameeneyso ay adagtahay in aad aragto kuwii hore.

Qeybta u qaabilsan dalka sweden dhanka Maamulka Gaadiidka ee Trafikverket ayaa badashay qaabka hore waxana laga dhigay qaab casri ah sida uu sheegay Helen Risberg oo madax ka ah qeybta gaari wadista ee Jönköping.

Qaababka Cusub ee loo badlay waxaa kamid ah.

Computerka aad ku galeyso imtixaanka ayaa sameenaya in uu badalo su.alaha aad ku galeyso Teoriga isagoo badalaya kuwii ugu danbeeyay ee aad ku sameesay.

Qaabka cusub ee loo badalay ayaa lamid ah sidii hore tusaale ahaan su.alaha lagu waydiinayo iyo numberka su.alaha lagu waydiinayo.

Louai Rahim iyo Abdirisak Ahmed ayaa labadooda waxay sameeyeen qaabka cusub ee loo badalay imtixaanka.

Louai Rahim oo ku baasay imtixaanka ayaa sheegay in isbadalka cusub uu yahay mid feecan isla markana uu soo dhaweenayo.

Abdirisak Ahmed oo sameeyay markii sadaxaad ayaa ku dhacay imtixaanka waxana uu sheegay in uu guul rajeynayo marka xiga isagoo soo dhaweeyay qaabka cusub.

ugu danbeyn waxyaabaha lagu soo kordhiyay waxaa kamid ah muuqaal ku daarmaya kahor inta uusan bilaaban imtixaanka iyo in aad hesho jawaabta isla goobta.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here