Home Wararka Maanta Arbetsförmedlingen oo soo saaray Natiijada Bisha January ee Shaqo helista qeybta Etablering..

Arbetsförmedlingen oo soo saaray Natiijada Bisha January ee Shaqo helista qeybta Etablering..

0

xafiiska suuqa shaqada ee Arbetsförmedlingen ayaa soo saaray qeyb kamid ah natiijada ku aadan bisha January ee dadka labada sano ka tirsan Suuqada Shaqada.

Warbixinta ay soo saareen Suuqa shaqada waxaa kamid ah in 10 kii qof 4 kamid ah ay heleen shaqo ama waxbarasho.

‘natiijadaasi ayaa ka dhigan mid aad u wanaagsan sida uu sheegay madaxda qeybta etablering oo hoostagta Xafiiska Shaqada.

Dadka helay shaqada ama Waxbarashada ayaa caawin waxa uu ka helay xafiiska shaqada hase yeeshee warbixinta waxaa lagu sheegay in dad aad u yar ay heleen shaqo iyagoo aan loo sameen wax caawin ah.

” runtii waxaa natiijo aad u feecan marka ay timaado bisha January” waxa sidaa sheegay Tomislavka Barisic Gudoomiyaha qeybta Etablering ee Arbetsförmedlingen.

Waa Maxay Etableringsuppdraget.

Etablering waa barnaamij soconaya labo sano oo xiriir ah waxaa loogu tala galay dadka dalka ku Cusub iyadoo loogu fududeenayo sidii luuqada ay ku baranlahaayeen halka qaarkood loogu tala galay in ay suuqa shaqada ku galaan.

Sanadkii 2010 ayaa barnaamijkaasi la sameeyay waxana ka faa.idestay dad badan oo markaasi ku cusub dalka xafiiska shaqada ee Arbetsförmedlingen ayaa sheegay in 90 kii maalmood ee u danbeesay uu soo feecnaanayo Barnaamijkan.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here