Home Wararka Maanta Raisal Wasaaraha Sweden Stefan Löfven oo la kulmay Madaxweynaha Mareykanka Trump..

Raisal Wasaaraha Sweden Stefan Löfven oo la kulmay Madaxweynaha Mareykanka Trump..

0

Raisal wasaaraha Dalka Sweden Stefan Löfven ayaa gaaray dalka Mareykanka halkaasi uu kulamo kula qaadandoono Madaxda Dalka Mareykanka gaar ahaan Madaxweyne Donald Trump.

Habeenkii xalay ayaana kulan waxa uu dhexmaray labada masuul kaasi oo ku aadan xiriirka labada dhinac ee soo jireenka ah.

Arimaha aadka looga hadlay waxaa kamid ah dhanka ganacsiga iyo xifaatalka maalmahan u dhaxeeyay labada dhinac.

Qodobada kulanka sida gaar ah loogu soo qaaday waxaa kamid ah Ganacsiga biraha ee labada dhinac arimaha Kuuriyada Waqooyi iyo xiriirka labada dhinac ee soo jireenka ah,

Dnald Trump ayaa kulanka kadib waxa uu yiri ” Ganacsiga dagaalka ah malahan wax dhibaato ah”

” aad ayaa ugu faraxsanahay la kulanka stefan waayo sweden waa wadanka ugu horeeyay yurub ee xiriir wanaagsan kala dhexeeyo Mareykanka tan iyo 1783.

Stefan Löften ayaa dhankiisa waxa uu sheegay ” Muhiimadeena waa Ganacsi xur ah oo sii socda isla markana madaxbanaan”

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here