Home Wararka Maanta Qaabka aad u xareen karto Warqada Arbetsformedlingen hadii aad ka midtahay qeybta...

Qaabka aad u xareen karto Warqada Arbetsformedlingen hadii aad ka midtahay qeybta Etableringen..

0

iyadoo dhawaan aad idin soo gudbinaya qaabka cusub ee dadka u xareen karaan warqada maqnaanshaha ama qofka marka uu xanuun sanyahay hadana waxaa dadka qaarkood nala wadaageen qaabka loo xareen karo warqada bisha marka aad arbetsformedlingen ka tirsanaandoonto mudo labo sano ah,

Qofka sharciga qaata ayaa loo ogolyahay in uu arbetsformedlingen ka mid ahaado mudo labo sano ah isagoo intaasi ku baran kara luuqada ama dalka ku dhexgali kara sida shaqo ama waxyaabo kale,

dadka ka tirsan arbetsformedlingen mudada labada sano ayaa loo yaqaan Etableringen waxana qaabkan uu u sahli karaa in uu maalintaasi helo lacagta u soo dhaceysa marka uu hanleekarkiisa uu aqbalo warqada uu u gudbiyay qaabka onlineka.

linkiga aad idin soo wadno ayaa ka duwan sidii hore waxana marka aad ku dhufato dooran kartaa luuqada aad rabto adoo kadib sameendoono sidan.

1 ugu horeyn dooro luuqada kadib ku dhufo Anmäl månadsredovisning ee kalarka cagaarka ah.

2 marka aad ku dhufato kadib waxaa galineysaa 10 number ee cadeenta ama Personnumper adigoo isticmaalaya mobile bank id taasi oo kuu sahli karta.

3 marka aad gasho kadib waxaa arkidoontaa qeybta u sareysa bisha lasoo dhaafay min 1 ilaa 30 marba sida ay ku dhamaato bisha hadii aadan ka maqneen meesha laguu diray isla markana aad hubto uma baahnid in aad maalim calaamadeeso.

4 ugu danbeyn waxaad calaamad saaridoonta box-ka kuu muuqda ee försäkringskassan kadib waxaa dhihidoontaa dir (skicka) umana baahnid in aad aado xafiiska shaqada hadii aadan u baahneen caawin kale.

Riix linkigan hoose oo kugu xiridoona Qeybta laga xareesto warqada bisha hadii aad ka tirsantahay dadka labada sano.

Riix Halkan Toos arbetsformedlingen

Hadii ay ku qancisay Warbixintan fadlan Qoraal hoos noogu reeb si aad kugu soo daabacno warbixino kale oo muhiim ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here