Home Wararka Maanta Dalka Sweden masjid ku yaalla oo lagu dacweeyay kor u qaadida aadanka...

Dalka Sweden masjid ku yaalla oo lagu dacweeyay kor u qaadida aadanka salaada..

0

dood ayaa ka dhalatay masaajid ku yaalla dalka Sweden oo lagu dacweeyay in uu kor u qaado aadanka salaada mudo 3 daqiiqo oo kaliya.

Muslimiinta ku nool magaalada Växjo ee Dalka Sweden ayaa horay u gudbiyay codsi ku aadan in salaada Jimcaha ay kor u qaadaan aadanka mudo 3 daqiiqo ah taasi oo loo ogolaaday.

dacwada ku aadan arintaasi ayaa loo gudbiyay booliska magaalada hase yeeshee booliska degmada ayaa sheegay in Muslimiinta Magaaladdaasi ay aadaanka kor u qaadayeen labadii sano ee u danbeesay.

Ola Severinsson oo ka tirsan booliska Magaalada Växjo ayaa sheegay in arintaasi lagu mudan karo danbi mar uu la hadlay laanta idaacada P4 ee kronoberg.

imaamka masaajidka oo lagu magaacabo Abuu Hilaal ayaa sanadkii 2014 codsi uu u diray maamulka degmada loogu ogolaaday in uu codka aadanka kor u qaadi karo hase yeeshee arinkaasi ayuu u fahmay mid joogta ah inkastoo aheyd hal maalin oo xaflad ah.

ugu danbeyn waxaa jira dacwado laga gudbinayo masaajidka kaasi oo ku aadan in uu aadaamay ogolaansho la.an.

somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here