Sweden Shaqaalo la.an ka jirta Xaruumaha Dowliga oo saro u kacay..

0

Waxaa sannad walba kor u sii kacaya goobaha howlaha dawladda. Hase yeeshee iminka loo baahan yahay sidii xawligaa loo dhimi lahaa, maadaama ay adag tahay sidii lagu heli lahaa shaqaale ku filan ee ka howl gala.

War-bixin cusub oo ka soo baxday ururka maamullada degmooyinka iyo gobollada ee magaciisa loo soo gaabiyo SKL ayaa lagu caddeeyey in aaney isu dhigmin kobaca goobaha shaqada ee dawliga iyo tirada shaqaalaha ee la heli karo.

–Ma jiri doonaan mustaqbalka cid la shaqaaleeyo, haddii aan howlahan laga soo dhalaalin si halkiisa looga sii wado nidaamka hab nolol wanaagga. Sannadkii waxaa suuqa shaqada ee dalka ku soo biira dadyoow gaarsii-san 34 000, waxaana jira shaqa-bixiyeyaal badan ee u tartamaya xoogaasi shaqaalaha, sida ay sheegtay Agneta Jöhnk, ahna agaasimaha waaxda siyaasadda shaqaaleeynta ee ururka maamullada degmooyinka iyo gobollada SKL.

Maanta ayey ka howl-galaan nidaamka adeegyada ee hab nolol wanaagga 1, 2 malyan oo qof, waana tiro sannad walba sannadka ka dambeeya kor u sii kacaysa oo haddii ay sidan ku sii socoto uu ururka SKL saadaalinayo in loo baahan doono shaqaale gaarsii-san nus malyan sannadka 2026.

Waa howl culus oo hor-taala SKL, sida ay aamin-san tahay Angeta Jöhnk. 

–Haddii howlaha qaarkood annagu aannu qaban karno sida in dijitaalisgareentu ku yeelato saameeynta aannu dooneyno, haddii la heli karo in dadyoow intii hore ka badan ku shaqeeyn karaan shaqo buuxda iyo sanooyin dheeri ah oo ey sii shaqeeyaan howl-gabka dabadii, waxaannu tiradaa hoos u dhigi kari lahayn 180 000, sida ay sheegtay.

Si haddaba loo dhimo baahida loo qabo in tiro ka badana la shaqaaleeyo wuxuu ururka SKL u baahan yahay dadyoow ka badan oo ku howl-gala shaqo buuxda, in kor loo qaado da’da lagu galo howl-gabka muddo laba sannadood ah iyo in la dhimo baahida shaqaale iyada oo lala kaashaneyo culuunta dijitaaliseeriga.

Ururka SKL wuxuu sidoo kale soo jeedinayaa in howlaha la qabto loo kala saaro si ka duwan habka ey iminka yihiin si loo dhimo baahida shaqaalaha jaamiciyiinta.

–Halka ay ka muuqato baahida macallinka in la eego howlaha laga sahli kari lahaa si uu u qabto oo keliya howlaha tacliinta oo keliya. Howlaha kale ayaa lagu aamini lahaa kalkaaliye macallinku yeesho. Sidoo kale kalkaaliyeyaasha hoose ee caafimaadka iyo dhanka teknikada dhismeyaasha, sida ay sheegtay Agneta Jöhnk´, ahna madax waaxeed ka howl-gasha ururka maamullada degmooyinka iyo gobollada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here