Sweden Qabowgi ugu badnaa oo dhacay Xalay Xiliga Jiilaalka (vinterka) isagoo gaaray -39.5C..

0

xalay waxaa Dalka Sweden gaar ahaan dhanka waqooyi ee wadanka ka dhacay qabowgii ugu adkaa ee jiilaankan ( vinter ) isagoo gaaray -39.5C,

Qabowga ayaa ka dhacay dhanka waqooyi ee wadanka sweden gaar ahaan magaalada Nikkaluokta maalmihii Sabtida iyo Axada waana qabowgii ugu adkaa ee dhacay vinterkan ama jiilaankan,

magaalada kale ee Pajala oo dhacda dhanka waqooyi ee isla sweden waxa uu qabowga gaaray -32.9C mana ahan markii ugu horeesay ee magaalada Nikkaluokta lagu arko qabow sidaasi oo kale ah waxay arintaasi dhacday dhoor jeer,

marka aad maqasho qabow gaaray -39.5C waxaa durba xasuusaneysa qabowga ugu adkaa ee taariikhda ka dhacay dalka sweden kaasi oo gaaray -52.6C waxana uu ka dhacay magaalada Vuoggatjålme ee ku taala buuraha Lapland waana sanadkii 1996.

Dhanka magaalada Sundsvall ee bartamaha Sweden waxaa dhankeeda ku dhuftay baraf xoogan waxana arintaasi keentay in la joojiyo guud ahaan iskuulada Magaalada halka ay dhaceen dhoor shilal oo keentay in la joojiyo isku socodka gaadiidka.

barafka ayaa hoos waxa uu u gaaray ilaa 165 centemitir magaalada Gåltjärn ee ku taala dhanka waqooyi ee Sundsvall lakin taasi badalkeeda waxaa caadi ah caasimada Sweden ee Stockholm oo qabowga caadi iska yahay marka laga reebo shalay iyo maanta oo la dareemay qabow adag,

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here