Home Wararka Maanta Sweden oo Baasaboorka Muwaadinimo siisay Ahmadreza Djalali oo dowlada Iiraan ku xukuntay...

Sweden oo Baasaboorka Muwaadinimo siisay Ahmadreza Djalali oo dowlada Iiraan ku xukuntay Dil Toogasho..

0

Dowlada sweden ayaa sheegtay in Baasaboorka muwaadimo ay siisay Ahmadreza Djalali oo dhawaan dowlada iiraan ku xukuntay dil toogasho.

Ahmadreza Djalali oo ku noolaa Dalka Sweden ayaa mudadaasi ka shaqeesan jiray Dalka waxana uu heestay Daganaanshaha Dalka Hase yeeshee waxa uu safar ku tagay Dalka iiraan.

Safarkiisa Iiraan ayaa la xiriiray in uu Casharo ka baxsho jaamacad ku taalla Dalkaasi hase yeeshee Dowlada iiraan ayaa ku eedeesay in uu yahay Basaas.

Sanadkii u danbeeyay Dowlada iiraan ayaa ninkaasi soo taagtay Maxkamad waxana ay ku xukuntay Dil toogasho ah.

Go.anka Maxkamada waxaa kasoo horjeesatay Dowlada Sweden waxaana ay dalbatay in ay la kulanto Ahmadreza Djalali Dowlada iiraan ayaa diiday in lala kulmo ninkaasi.

Ugu danbeyn Sweden qeynteeda qaabilsan Arimaha Dibada ayaa sheegtay in Ahmadreza Djalali la siiyay Baasaboorka weyn ee loo yaqaano medborgare waxana ay ku hoolantahay sidii loola kulmi lahaa.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here