Home Wararka Maanta Sweden Gobolada Koofurta Dalka oo Baraf iyo Qabow laga filayo maalmahan..

Sweden Gobolada Koofurta Dalka oo Baraf iyo Qabow laga filayo maalmahan..

0

Gobolada Dalka Sweden gaar ahaan kuwa ku yaalla dhanka koonfurta magaalada ayaa laga filayaa baraf xoogan iyo qabow aan horay loo arag.

Ha.ayada Sweden u qaabilsan dhanka cilimada ee SMHI ayaa soo saartay digniin ku aadan barafka iyo qabowga la filayo maalmahan.

Gobolada laga filayo qabowga isla markana ku yaalla dhanka koonfurta waxaa kamid ah Småland, Götaland, jasiiradaha Gotland iyo Öland.

Barafka la filayo isla markana magaaloyinka qaar ka bilowday ayaa geestay shilal badan taasi oo keentay in hay.ado soo saarto digniinaha.

Meelaha shilka ka dhacay waxaa kamid ah wadada u dhaxeysa Caasimada Stockholm iyo garoonka diyaaradaha Arlanda.

ugu danbeyn barafka ka da.aya sweden ayaa qayaastiisa waxaa lagu sheegay 5 ilaa 15 sentimitir isagoo badankiisa da.idoona maalmaha soo socda.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here