Home Wararka Maanta Stina Nilsson oo Sweden u qaaday Bilada Dahabka..

Stina Nilsson oo Sweden u qaaday Bilada Dahabka..

0

Ciyaar-yahanadda iswiidhishka Stina Nilsson ayaa ku guuleeysatay inay qaado tartanka ciyaarta oradka soo-yaalka ulaha dhaadheer ee barafka, tartanka olompikada ee ka socda magaalada Pyeonchang ee dalka Koonfurta Kuuriya. Biladdaasina oo ay kaga guuleeysatay Maiken Caspersen Falla oo loo haystay inay iyadu hanan doonto kaalinta koowaad.

Waa mid dhammaatay. Waan hubaa, waan hubaa. Oj, oj, oj, 50 meitir ayay ka horreeysaa. Sida uu sheegay suxufiga idaacadda ee laanta ciyaaraha Torgny Mogren.

Stina Nilsson ayaa qaaday biladdeedii labaad ee tartanka olompikada qaboobaha. Iyadoona ku guuleeysatay biladda maarta ee tantanka qoryaha dhaadheer ee qori isu dhiibka olompikadii middaan ka horreeysay oo lagu qabtay magaalada Soji ee dawladda Federaalka Ruushka sannadkii 2014.

Hanna Falk oo sidoo kale qayb ka ahayd tartanka fiinaalkan ayaa gashay kaalinta shanaad.

Source radio sverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here