Home Wararka Denmark Somalida Denmark oo jawaab Falcelin ah ka bixisay warbixinta dhawan laga faafiyay..

Somalida Denmark oo jawaab Falcelin ah ka bixisay warbixinta dhawan laga faafiyay..

0

inkastoo goor siihoreysay uu qirtay TV2 qaladka la xiriira warbixin dhawaan laga faafiyay somalida Denmark hadana somalida ayaa wada faafaahinta wanaaga ay qabtaan iyo in aysan waxba ka jirin warbixinada laga faafiyo.

Felcelinta Somalida ayaa ugu darneyd isbuucan aan soo dhaafnay markaasi oo somalida dalkaasi ay jawaab adag bixiyeen taasi oo aad looga hadal-hayo Denmark iyadoo la arkayay somalida dalkaasi ku nool ee waxbarashada ku dhameestay dalkaasi.

Waxaa falcelinta sameeyay Somalida dalkaasi gaar ahaan kuwa wax ku bartay dalkaasi waxana qaarkood ay sameesteen page-jajka dhanka facebook oo lagu faafinayo waxqabadka somalida ee dalkaasi.

Boga SomaliskBerigelse ayaa ahaa halka ugu badan ee somalida ku bixisay jawaabtooda waxana lagu amaanay sida ay uga carooday warbixinta dhawaan uu baahiyay talafashinka TV2 taasi oo aheyd in somalida aysan garaneyn luuqada dalkaasi.

Dadka dhaleeceenta jeediyay waxaa ku jiray siyaasiyiin dalkaasi u dhashay oo dhoor jeer fagaaro ka sheegay warar lidi ku ah somalida dalkaasi.

Somaliska Denmark

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here