Home Wararka Maanta Qaxooti u soo socday Dalka Norway oo lagu xiray Xuduuda Dalka Ruushk..

Qaxooti u soo socday Dalka Norway oo lagu xiray Xuduuda Dalka Ruushk..

0

Ciidanka amaanka Dalka Ruushka ee FSB ayaa xiray ku dhawaad 5 ruux oo magangalyo raadis ah kuwaasi oo u soo socday dalka Norway sanadkii hore dhamaadkiisa.

sadax kamid ah shantaasi ayaa kayimid dalka Congo halka labada kale ay ka yimaadeen Congo-Brazzaville waxana ay gaareen magaalada Murmansk ee Dalka ruushka,

dadkaasi ayaana Pasporkooda waxay uga soo tageen hoteel ku yaalla dalka ruushka iyagoo yimid dhanka xuduuda Norway oo ka gudbi rabeen waxana ay jareen fiilooyin ku xirnaa xuduuda hase yeeshee waxaa qabtay ciidanka Amaanka ee ruushaka.

Maxkamd ku taalla Murmansk ayaana dalkaasi ku eedeysay in ay galeen danbi ku aadan ka gudbida xadka qaab sharci daro ah,

Sadax kamid ah oo rag ah ayaa lagu xukumay 6 bil oo xabsi ah halka labada kale oo haweyn ah lagu xukumay 5 bil oo xabsi ah,

Somaliska Norway

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here