Home Wararka Denmark Midowga Yurub oo doonaya in la yareeyo lacagta ku baxda Caawinta Qaxootiga..

Midowga Yurub oo doonaya in la yareeyo lacagta ku baxda Caawinta Qaxootiga..

0

madama wadanka ingariiska uu ka baxayo Midowga yurub waxaa socota qorsho midowga yurub ay ku yareenayaan lacagta ay ku bixiyaan qaxootiga u soo socda yurub ee ku sugan qaarada Africa.

madaxa gargaarka midowga yurub Neven Mimica oo ku sugan caasimada Sweden ayaa sheegtay in gargaarkaasi uu yahay mid muhiim u ah qaxootiga yurub u soo socda ee ku sugan africa.

waxay ku baaqday in caawinaada ay sii socota xataa hadii isbadal uu ku dhaco wadan ingariiska oo doonaya in uu kabaxo yurub inteeda kale.

wadamo ay kamid yihiin Luxembourg, Sweden, Denmark iyo Germany. ayaa lagu sheegay in ay kordhinayaan lacagta yurub u isticmaasho qaxootiga africa.

waxaa jirta dood xoogan oo ka dhextaagan midowga yurub si loo helo kaalmo sax ah oo lagu caawiyo qaxootiga doonaya in ay kasoo cararaan wadamadooda.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here