Home Wararka Maanta Magaalada London oo xalay lagu dilay labo wiil oo somali ah..

Magaalada London oo xalay lagu dilay labo wiil oo somali ah..

0

Laba wiil oo Soomaali ah ayaa xalay fiidkii siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada London ee dalka Ingiriiska, halka mid kalena lagu dhaawacays sida booliska magaaladaas ay sheegayaan.

Dilka Labada wiil oo ka dhacay mid ka mid ah xaafadaha Magaalada London, iyadoo dilkooda loo adeegsaday Mindi ama Toorey sida ay sheegeen Soomaalida halkaasi ku dhaqan.

Dhalinyaradan Soomaalida ah ayaa Da’ahan waxaa lagu qiyaasay inay u dhaxeeyaan 18- ilaa 20-sano, waxaana sawirro laga soo qaaday ay muujinayeen jirkooda oo ku yaalla Mindida dilkooda loo adeegsaday.

Booliska magaalada London ayaa gaaray goobta ay dilalka ka dhaceen, waxayna la wareegeen Meydadka Soomaalidii la dilay, baaritaano horudhac ah oo ay sameeyeen Booliska ayaa waxa ay ku sheegeen dilalkan inay geysteen koox burcad ah.

Warar madax banaan ayaa sheegaya dilalkan in ay ka dambeeyaan Burcad Madow ah oo watay Gaari, kuwaasoo sida muuqata u aar gudayay Nin Sabtidii loogu dilay magaalada London.

Labada wiil ee la dilay mid ka mid ah ayaa walaalkiisa Afar bilood ka hor lagu dilay magaalada London, falkan waxaa si aad ah u cambaareeyay Soomaaliyeed ee ku dhaqan Ingiriiska oo falalkan si weyn u hadal haya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here