Home Wararka Maanta Lumista Baasaboorka Norway oo la adkeeyay qofka uu ka lumo ama laga...

Lumista Baasaboorka Norway oo la adkeeyay qofka uu ka lumo ama laga xado..

0

dowlada norway ayaa adkeesay qaabka dib loogu helayo passporka dalkaasi hadii uu qofka ka lumo ama laga xado.

madaxa waaxda ID-ga u qaabilsan boosliska Norway John Kristian Thoresen oo la hadlay joornalka Dagbladet ayaa ka hadlay adkeynta passporka qofka uu ka lumo ama laga xado isagoo sheegay in uusan si fudud ku helidoonin.

” Mararka qaarkood si fudud kuma helidoonaan kuwa luminaya passporka waqtiyo kala duwan iyadoo lagu guda jiro waqti kooban taasi waxay muujineyas arin qalafsan” John Kristian Thoresen ayaa u sheegay Dagbladet.

waxa uu intaasi ku daray in baaritaanka lumista passporka iyo isticmaalka qofka aan laheyn passporka ay keentay helitaanka xogo kala duwan tusaale iyadoo lagu soo wargaliyay lumis isla markana wali la isticmaalayo.

ugu dabneyn ayuu intaasi ku daray in qiimeynta ay ku sameeyeen isticmaalka passporka goobaha kala duwan ay muujineyso xadgudub weyn madama loo diiwaangaliyay qaab lumis ah.

Somaliska Norway

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here