Home Wararka Maanta iskuulada Dhexe iyo Hoose ee Magaalada Malmö oo laga mamnuucay cunista Malawaxa-Pannkaka..

iskuulada Dhexe iyo Hoose ee Magaalada Malmö oo laga mamnuucay cunista Malawaxa-Pannkaka..

0

Magaalada Malmö ee caasimada Sadaxaad ee Dalka Sweden waxaa iskuulada qaar lagu soo rogay amaro cusub oo dhanka cuntada ah,

iskuulada dhexe iyo hoose ayaa laga mamnuucay guud ahaan cunista raashinka nuuca malawaxa ee Pannkaka kaasi oo horey looga cuni jiray.

arintaasi ayaa timid kadib markii shirkada soo saarta malawaxa ay joojisay in ay soo saarto malawaxa nuuca aan laheyn ukunta iyo Caanaha,

Shirkadaasi ayaa bilowday in ay keento iskuulada malawax leh ukun iyo caano waxana ardayda qaarkood ay ku yihiin xasaasiyad hadii ay cunaan,

Emely Lindholm oo ah madaxda Degmada ee adeega makhaayadaha ayaa sheegtay in la joojiyay malawaxa si loo helo cadaalad dhanka ardayda ah,

ugu danbeyn ardayda magaalada malmö ee dhigta hoose iyo dhexe ayaa hada cunin malawaxa-pannkaka.

Somaliska Malmö

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here