Faafaahin Tiro dad ah oo loo xiray dilkii ka dhacay Uppsala Sanadkii hore..

0

Abaaro 18:00 pm ee bishii Aguest waxaa dil toogasho ah uu ka dhacay Xaafada Stenhagen ee magaalada Uppsala halkaasi oo laga helay qof 30 sano jir ah oo madaxa laga toogtay,

Qofkaasi ayaana u dhintay dhaawaca kadib markii loo qaaday isbitaalka magaalada Dilka kadib waxaa la xiray qof looga shakiyay weerarka kaasi oo maalmo kadib lasiidayay kadib markii lagu waayay wax danbi ah,

Booliska Sweden ayaana hada gacanta ku dhigay tiro dad ah oo looga shakisanyahay weerarkaasi dhacay waxana dadka laga soo qabtay magaalooyinka Uppsala iyo Gävle.

Dadka la qabtay waxaa ku jira qof looga shakisanyahya in uu asaga ka danbeeyay weerarka halka dadka kale looga shakisan yahay in ay ka caawiyeen weerarkaasi oo dhacay sanadkii hore.

magaalooyinka waaweyn ee dalka waxaa ka dhacay dhoor dilal kuwaasi oo marka danbe laso qabto kuwa ka danbeyay

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here