Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo dooneysa in Dhalaanka kaligii socodka la siiyo Sharciga Dalka,,

Dowlada Sweden oo dooneysa in Dhalaanka kaligii socodka la siiyo Sharciga Dalka,,

0

Xisbiga haya dalka Sweden eeĀ socialdemokraterna ayaa soo jeediyay in caruurta iska dhiibay Dalka ee kaligood socda la siiyo fursad ay ku joogi karaan Wadanka.

Dowlada ayaa dooneysa in la badalo sharciga ku aadan dhalaanka iska dhiibay dalka sweden oo gaarayaĀ 9,000 kun oo caruur ah isla markana la siiyo fursad ay dalka ku jogaan lakin taasi badalkeeda looma balan qaadi karo daganaansho rasmi ah.

” Waxaa muuqata halis micno u leh dadkaan marka ay sharcigan cusub la kulmaan” sidaasi waxaa yiri madaxda arimaha Sharciga eeĀ MigrationsverketĀ Fredrik Beijer.

kahor Christmaskii lasoo dhaafay ee sanadkii hore xisbiyada Dowlada ayaa soo bandhigay in la eego xaalada Caruurta kaligood socda ee iska dhiibay dalka waxana kamid ahaa in fursad la siiyo kuwa waqtiga dheer qaatay kiiskooda isla markana waxbarashada iskuulka dhigta.

fakarkan ay soo jeedisay dowlada waxana dib u eegista ugu horeysa ku sameenaya qeybta socdaalka Dalka Sweden eeĀ Migrationsverke Waxana hay.ada ay ka digtay in sharciga uu saameyn ku yeesho shariciga Caadiga ah.

Migrationsverket ayaa dhanka kale ku wargalisay guud ahaan dhalaanka kaligood socodka in aysan wada helidoonin sharciga ama loo ogolaandoonin in ay joogaan dalka marka loo eego sharcigan dowlada soo jeedisay ee fursada siin kara.

sababta ayaa lagu sheegay in qofka aan heysan isdifaacid ay sharciyan tahay in uu keeno cadeymo muujinaya asal ahaantiisa ama uu cadeeyo da.diisa si uu u helo sharciga daganaanshaha.

ugu danbeynĀ Maria Ferm oo u hadashey xisbigaĀ Miljƶpartiets ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in shariciga uu daboolo baahida caruurta dhalaan socodka rabitaankooda.

lasoco goor dhow xisbiyada kasoo horjeeda arinta

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here