Home Wararka Maanta Akhriso Xisbiga Sverigedemokraterna oo siyaasadiisa doorashada soo bandhigay sida Adkeynta Qaxootiga..

Akhriso Xisbiga Sverigedemokraterna oo siyaasadiisa doorashada soo bandhigay sida Adkeynta Qaxootiga..

0

Xisbiga Sverigedemokraterna oo kamid ah xisbiyada sweden kuwooda ku jira ololaha xoogan ayaa soo bandhigay siyaasadiisa doorashada ee sanadkan.

Madaxda Xisbiga Jimmie Åkesson ayaa magaalada Örebro ku soo bandhigay qorshahooda siyaasadeedka xisbigiisa waxana kamid ah adkeynta qorshaha qaxootiga sweden oo muhiimada saaray

Qaxootiga oo la adkeeyo.

Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa diirada saaraya adkeynta qaxootiga soo gaara dalka sweden isagoo ogolaanaya qaxootiga dariska oo kaliya. Wakaalada Wararka Somaliska ayaa soo koobeysa qodobada ugu muhiimsan ee xisbiga

1 Adkeynta qaxootiga

2 Adkeynta sharuudaha qoysaska la xiriiro marka laga reebo kuwa la xaqiijiyay kiiskooda.

3 Booliska Sweden oo lasiinayo caawinaad dheeraad ah oo la xiriira dadka magangalyo doonka ee dalka aan ku heysan sharciga.

4 in wadanka laga eryo dadka lala xiriirinayo in ay ku lug leeyihiin Argagixisada.

5 Xisbiga ayaa dhanka kale doonaya in la xiro kuwa doonaya in ay ku xadgudbaan awooda booliska.

6 adkeynta sharuudaha lagu dalbanayo muwaadinimada dalka iyo adkeyna imtixaanka luuqadaha iyo cilmiga bulshada

7 adkeynta falalka dambiyada dalka waxana ka siman arintaasi labada xisbi ee kala ah  Sverigedemokraterna iyo Moderaterna.

Sidee u aragtaa Siyaasada Xisbiga Sverigedemokraterna Fadlan Hoos noogu reeb

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here