Home Wararka Maanta Dalka France Shan sano oo xarig ah qaxootiga heesta Sharciga Beenta ah..

Dalka France Shan sano oo xarig ah qaxootiga heesta Sharciga Beenta ah..

0

Xisbiyada Mucaaradka Dalka France ee midigta fog iyo walib xisbiyada dalkaasi oo ku jiraan xisbiga madaxweynaha xilka haya ee xiligan ayaa si isku mid ah uga soo horjeestay qul qulka tirada badan ee qaxootiga dalkaasi iska dhiibay,

iyadoo arintaasi jirta waxay xisbiyada badankooda isku raaceen in laxiro qofkii lagu helo sharci been abuur ah oo fake ah iyadoo qofka lagu helo la xiridoono mudo Shan sano ah iyo lacag dhan €75,000 (£66,000) euros.

Fakarkaan oo wali barlamaanka ansixin ayaa ka kooban 16 qodob waxana ku jira in mudo sanad ah la xiro qofka dalkaasi kasoo gala dhanka Xuduuda isagoo aan wadan wax aqoonsi ah.

arintaasi ayaa timid kadib markii kumanaan qaxooti sharci daro ah ay ku noolyihiin wadankaasi kuwaasi oo heesta sharciyo iyo warqado been ah isla markana ka shaqeenaya maqaayadaha iyo waliba shirkadaha dalkaasi ugu weyn.

Fakarkaan ay soo jeediyaan xisbiyada dalka ka jira waxaa kamid ah in laga qaado lacag dhan €3,750. kun qofka dhanka xuduuda kasoo gala dalkaasi ee aan heysan aqoonsiga marka uu dhameesto xariga halka sano ah.

Dalka France ayaa qaabilay 100,000 kun oo qaxooti ah sanadkii ugu danbeeyay waana dalka kaliya ee bilaabay cafinta qaxootiga kasoo taga wadanka Finland ee heesta diidmada isla markana laga qaaday faraha,

ugu danbeyn dowlada ayaa wada in arintaasi ay ka qaadato codsi ama racfaan si meesha looga saaro hase yeeshee xisbiyada dalka ayaa raba in ay meesha ka saaraan racfaanka,

Somaliska France

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here