Home Wararka Maanta Magaalada Vetlanda ee Dalka Sweden oo lagu dilay Qof Dumar ah..

Magaalada Vetlanda ee Dalka Sweden oo lagu dilay Qof Dumar ah..

0

Magaalada Vetlanda ee hoostagta Jönköping waxaa xalay lagu dilay qof dumar ah oo dhalinyaro ah halka lagu dhaawacay qof kale oo dumar ah taasi oo si xun loo dhaawacay.

Waxay aheyd abaaro 2:00 am ee xalay markaasi oo booliska magaaladaasi uu soo gaaray digniin sheegeysa in uu jiro weerar halis ah oo ka dhacay Vetlanda.

markii uu gaaray booliska guriga uu ka dhacay weerarka waxa uu ugu tagay qof dhaawac ah iyo meydka qof kale kuwaasi oo ahaa da.da 20 jirka ah,

Booliska ayaa goobta ku xiray nin looga shakisanyahay in uu ka danbeeyay weerarkaasi loo geestay labada qof ee dumarka,

sida laga soo xigtay booliska sadaxdan qof ayaa aqoon isku lahaa lakin majirin wax xiriir dhow oo ka dhaxeeyay.

ugu danbeyn booliska ayaa diiday in ay macluumaad ka bixiyaan dhacdadan iyagoo wali ku sugan halka dhibaatada ka dhacday.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here