Home Wararka Maanta Sugitaanka Jawaabaha magangalyo doonka oo lasoo yareyay dhamadka sanadkan..

Sugitaanka Jawaabaha magangalyo doonka oo lasoo yareyay dhamadka sanadkan..

0

Xili qoraal kasoo baxay Wakaalada socdaalka sweden ee Migrationsverket lagu shaaciyay in jawaabaha la siinayo dadka is dhiibay kahor sanad 2017 ayaa dhanka kale waxaa qoraalka la socday warar kale oo la xiriir dhanka dadka qaxootiga.

Qaxootiga sweden iska dhiibay ayaa lagu sheegay in dhamaadka sanadkan ee 2018 ay jawaabta ku helayaan mudo afar bilood ama ka yar hadii uu maro kiiskiisa wareysi qaadida.

Sidoo kale dadka shaqo doonka ee doonaya daganaashaha shaqo (arbetstillståndsärenden)ayaa kiiskooda laga dhigay mudo afar bil ama ka yar halka dadka waxbarashada ka raba dalka goor hore la bilaabay in mudadaasi kiiskooda lagu soo afjaro.

Agaasimaha laanta socdaalka Mikael Ribbenvik ayaa arintaasi ku macneeyay mid lagu abuurayo mustaqbal wanaagsan isla markana awood leh si loo habeeyo hawlaha shaqo ee Migrationsverket.

Dhanka kale waxaa jira warar kale oo kasoo baxay laanta socdaalka sweden kuwaasi oo aan isku dayidoono in aan qeyb qeyb idinkugu soo daabacno.

Somaliska Stockholm

 
AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here