Home News in English Lix bilood oo xarig ah Qofka aan ku nooleen Hoyga uu Adreska...

Lix bilood oo xarig ah Qofka aan ku nooleen Hoyga uu Adreska ku yahay Akhris Sharcigan oo bilaabanaya..

0

Dowlada Sweden ayaa dooneysa in ay adkeyso sharciga la xiriira diiwaan galinta hoyga iyo danbiyada ka dhalan kara arintaasi.

Waxyaabaha ugu mihiimsan ee dowlada xooga saareysa waxaa kamid ah baaritaanka qofka aan ku nooleen guri uu markaasi ku yahay adress ama uu ka diiwaan gashanyahay sida (folkbokföringsreglerna,).

fakarkaasi waxaa soo bandhigay Wasiirka cadaaladda iyo arrimmaha gudaha Morgan Johansson iyo iyo wasiirka maaliyadda Sweden Magdalena Andersson waxana arintaasi lagu sheegay hagaajinta guryaha iyo ka hortagida kuwa isku baheestay dambiyada.

Hadii lagugu helo in aadan ku nooleen guri aad adress ku tahay isla markana ku nooshahay guri kale ayaa dhici karta in lagugu ganaaxo 6 bil oo xarig ah waa hadii lagu helo ama 2 sano oo xarig ah hadii markaasi lagugu helo dambi culus.

Fikaradaha la gudbiyay waxaa kamid ah in Wakaalada Canshuuraha Sweden ee (Skatteverket) ay tagi karaan guryaha ay dadka adreska ku yihiin si arintaasi loo hubiyo.

Sharcigan oo horay u jiray ayaa hada waxaa lagu wadaa in dowlada u soo celiso waxana dowlada dooneysaa in uu bilowdo bisha july kowdeeda sanadka 2018 hadii fakarkasi la aqbalo.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here