Home Wararka Denmark Boqorkii Denmark Henrik oo geeriyooday isagoo jira da.da..

Boqorkii Denmark Henrik oo geeriyooday isagoo jira da.da..

0

boqorka Henrik ayaa geeriyooday shalay waxa uu guursaday boqoradda waddanka Danmark. Wuxuu noqday 83 jir hada .

Henrik wuxuu ku dhashay Faransiiska sannadkii 1934, laakiin wuxuu ku noolaa dhowr sanadood qaybo ka mid ah Asia, oo ah Vietnam iyo Hong Kong. Henrik wuxuu bartey luuqado badan, oo ay ku jiraan Vietnamese iyo Shiinaha.

Sanadii 1950-kii wuxuu qeyb ka ahaa laba dagaallo. Waxa uu markaas u dagaalamey wadamada Vietnam iyo Algeria si ay uga mid noqdaan Faransiiska.

1967-dii wuxuu guursaday gabadha deenishka Margrethe. Iyadoo markii dambe noqotay boqoradda, Henrik waxaa loo yaqaan Prince. 

Margrethe iyo Henrik waxay leeyihiin laba wiil. Wiilkii ugu da’da yar, Prince Frederik, ayaa noqon doona boqor ka danbeeya Danmark.

Xilligii dayrta ee sannadkii hore, waxaa la ogaaday in Prince Henrik uu qabo cudurka ‘dementia’ kaasi oo kaa dhigi kara inaad illowdo oo aad isku buuqdo. Waxa kale oo uu lahaa dhibaatooyin caafimaad oo kale. Waxyaabaha kale, waxa uu lahaa buro.

Toddobaadyo gudahood, Prince Henrik wuxuu ku jiray isbitaal. Kadibna wuxuu tagay gurigisa oo ku yaalla Fredensborg si qalin loogu sameeyo lakin halkasi ayuu ku dhintay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here