Home Wararka Maanta France oo bilowday cafinta Qaxootiga Diidmada ka heesta Dalka Finland..

France oo bilowday cafinta Qaxootiga Diidmada ka heesta Dalka Finland..

0

Dowlada France ayaa bilowday qaabilaada qaxootiga horay iskaga dhiibay Dalka Finland kuwaasi oo mudo ku dhow 3 sano iyo ka badan heesta Diidmada

Qaxootiga Finland oo iska dhiibay Dalka France ayaa badankooda laga cafiyay Faraha Dalkaasi waxana qaarkood durba la siiyay Sharciga Dalkaasi France.

Dowlada France ayaana dhanka kale sheegtay in Finland ay dhinac martay Xuquuqda aadanaha marka la fiirsho hanaanka ay kula dhaqantay Qaxootiga.

Finland ayaa diidmo siisay dhamaan qaxootiga iska dhiibay Dalkaasi tan iyo sanadkii 2015 markaasi oo iska dhiibeen qaxooti badan oo Somali ku jirto.

Tan iyo sanadkii 2015 waxaa dhibaato adag soo wajahday qaxootiga iska dhiibay Finland iyadoo doorasha dhawaan ka dhacday dalkaasi uu markale xilka qabtay Xisbiga Talada hayay sidaasi oo ay tahay waxaa rajo laga qabaa sanadka 2019 ee soo socda.

Ugu danbeyn xaalada qaxootiga Yurub ayaa sii adkaaneysa waxana wadamada qaar ay bilaabeen sharciyo cusub oo ku aadan hanaanka ay ku qaabilaan dadka magangalyo doonka ee dalalkoda iska dhiiba

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here