Tirada Qaxootiga iska dhiibay Dalka Norway Sanadkii hore iyo kuwa La filayo Sanadkan Cusub..

1

Dowlada Norway qeybteeda dhanka socdaalka ee UDI ayaa shaacisay tirada qaxootiga iska dhiibay dalkaasi kuwaasi oo dalkaasi u gaaray qaab magangalyo raadis ah,

Qeybta Socdaalka ee UDI ayaa sheegtay in 3,546 kun oo qaxooti ah ay soo gaareen dalka Norway kuwaasi oo badankooda ka yimid wadamada Greece iyo italy si ay dalkaasi u gaaraan,

Norway ayaa dhanka kale waxay sheegtay in hoos u dhac xoogan uu ku yimid tirada qaxootiga iska dhiibay dalkaasi marka loo fiirsho sanadihii 2015 iyo 2016.

Sanadka 2016 ayaa lagu sheegay in dalkaasi gaareen 3,460 kun oo qaxooti taasi oo lamacna ah in sanadka 2017 ay hoos u sii dhaceen tirada qaxootiga,

qayaasta sanadka 2018 ee dhanka qaxootiga ayaa lagu sheegay in la filayo 3,000 kun oo qaxootiga ah in dalkaasi gaaraan lakin xaalada markasta isbadal ku imaan karto sida uu sheegay Agaasimada UDI Frode Forfang.

Norway ayaa kamid ah wadamada aadka u neceb qaxootiga gaara dalkaasi ee kasoo carara wadamada ay ka jiraan dagaalada waxana dalkaasi uu diidmo siiyay qaxooti badan kuwaasi oo lagu amray in dalka ka baxeen,

Marka loo fiirsho Dalka Sweden waxaa gaaray sanadkii u danbeeyay 25,666 kun oo qaxooti ah taasi oo lamacno ah in dhanka qaxootiga uu kaga wanaagsan yahay dalkaasi,

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here