Macbudka Yahuuda ku leedahay magaaladda Göteborg oo la isku dayey in la gubo

1

Macbudka Yahuuda ee ay ku leeyihiin magaaladda Göteborg ayaa kooxo isku dayeen ineey gubaan ama ay wax yeello u geeystaan. Ma jiraan cid wax yeelo ka soo gaartay hase ahaatee mas’uul u qaabilsan amniga macbudkaas ayaa sheegay ineey jiraan dad badan oo doonaya ineey wax yeelo u geeystaan.

Kooxo aan la garaneeyn ayaa habeenimaddii axadda soo galeeysatay waxaa ay waxyaabaha dabka kiciya ku tuureen dhismo Yahuudu leedahay oo goob ay ku cibaadeeystaan. Booliska oo goobta gaaray ayaa baaritaano halkaasi ka bilaay, iyagoo dhamaan xiray dariiqyada soo gala dhismaha macbudkaasi. Allan Stutzinky oo ka mid ah marqaatiyaal saxaafada la hadlay ayaa sheegay inuu arkayey tobbaneeyo dhalinyarro oo dhismahaasi ku tuuray. Arrimahan ayaa ku soo beegmaya tan iyo wixii ka dambeeyey markii Trump-ka Mareykanka uu maalintii arbacada sheegay in xukuumaddiisa ay magaalada Jerasulem oo loo yaqaano Quds ku sheegay ineey tahay caasimadda Israa’iil islamarkaasina safaaradooda u rarayo magalaadaasi.

Somaliska.com-Göteborg

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here