Wasiirad Noorweejiyaan ah oo ka hadashay dhalinyaradda soomaalida

0

Haweeneyda wasiirada maaliyadda uga ah dalkaasi Noorweey Siv Jensen islamarkaana ah hogaamiyaha xisbiga horusocodka FRP, ayaa markii ugu horeeysay ka hadashay dhalinyarradda soomaalida dalkaasi ah ee dhaqan celin loo geeyey meelo ka mid ah Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay ineey dhibaatooyinka ay ka mid yihiin jir loogu geeysto.

Haweeneydan ayaa sheegtay in ay aad uga xuntay  tahayna falka ay waalidiinta carruurahooda kula kaceen, islamarkaasina ka soo horjeeda is dhexgalka bulsho.  Dhinaca kale waxaa ay dhaleeceyn dusha uga tuurtay xisbiga shqaalaha ee talada haya, waxaa ay ku tilmaantay xisbi kaalintiisi gabay oo dabeyl raac ah waa sida ay hadalka u dhigtay.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli dalkaasi muuqbaahiyaha ama telefeeyshinka NRK uu soo gudiyey barnaamij loogu kuur galayey xaaladda dhalinyarro soomaali dalkaasi Noorweey ah oo dalkoodii hooyo dhaqan celin loogu celiyey islamarkaasina kala kulmay bulshaddi ay u tageen falal jir dil ah.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here