Xisbiga Moderead-ka oo hogaamiye u doortay Ulf Kristersson

0

Xisbiga Moderaad-ka ee dalkaan Iswiidhan oo mudooyinkii ugu dambeeyey siyaasaddii la soo deristay jahawareer ayaa haatan xisbiggu waxaa uu yeeshay hogaamiye, kaas oo badalay hogaamiyeyihii hore ee xilka iska casishay ee Anna Kinberg Batra.

Siyaasiga Ulf Kristersson oo ka mid ah shaqsiyaadkiisa xilkaasi lugula taliyey ineey qabtaan, ayaa markii la doortay waxaa khudbad uu jeediyey madasha sheegay  in uu xoogga saarayo siddii uu mar labaad u mideyn laha isabeysiga xisbiyada xulufadda ee Alliansen loogy yeero.

Wuxuu sheegay in ka hor doorashadda la filayo ineey dhacaan sanadka innagu soo fool leh inu ka shaqeeynayo  sidii aan u soo dhisi lahaa xukuumad ay ka dhex muuqdaan ama ka wada kooban xuflufadda, lana yeelan doono iskaashi  kolba haddii ay arrimo badan ay iska aragti ka yihiin oo ay wadaagaan. Khudbada Kristersson oo aad u soo jiidatay dareenka xubnaha xisbigga ee ku shiray magaaladda caasimada ah, ayaa tilmaamay sida ay ugu rajo weyn yihiin sidda xibigooda uu markale u hanan doono taageerayaal badan oo uu horey u lumiyey, tan iyo wixii ka dambeeyey doorashadii ay ku guul dareeysteen.

Ugu dambeyntiina xisbiyadda la baxay xulufadda ayaa ka kooban afar xisbi oo sameeystay isgaashaan buureeysi iyo wada shaqeyn, waxaana ay kala yihiin Moderaad-ka, Center-ka, Libaraal-ka iyo  Kristdemoqraadi-ga. Sidoo kale xisbgga Modaraad-ka waa xisbigga labaad ee dalkaan Iswiidhan ku leh xildhibaano badan baarlamaanka dalka.

Somaliska.com-Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here