WARGELIN IYO XASUUSIN: Saacadda oo hal saac dib loo celinayo

0

Caawa oo kale sanad walba kolka saq dhexe la gaaro, waxaa dib loo celiyaa saacadda, taas oo ka dhigan in uu dhamaatay sommartid-kii ama xilliggii xaggaaga ee kuleeylaha, iyadoo la galayo vintertid ama jiilaalka.

Haddaba waxaan bulsho weynta soomaaliyeed iyo akhristayaasheena ku tixan shabakadda Somaliska.com xasuusineeyna in la gaaray xilligii saacada dib loo celin lahaa. Caawa saacadu markeey tahay 0:3:00 saacada dib loogu celinayaa 0:2:00 oo ka dhigan in la galay xilligii jiilaalka ama qaboobaha.

Dalalka Yurub ku yaala iyo reer galbeedka ayaa sanad walba saacad horumariya ama dib u dhiga. Saacad badalistan oo lafteeda isbadal ku keenta xilliyadda salaada. Saacadaha moobaayl-lada iyo kombiyuutaradda uma baahna in la badalo iyaga ayaa si atomaatik ah isku badalaya. Sanad walba bilaha maarso iyo oktoobar ayaa axadda ugu dambeeysa ayaa hal saac horey daraa loogana celiyaa.
Somaliska.com-Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here