Tarjumaan la’aan xoogan oo ka jira meelo badan oo Iswiidhan ka mid ah

0

Dalkaan Iswiidhan ayaa imminka waxaa ka jira baahi weyn oo loo qabo turjubaano luqadaha kala duwan turjuma , dawladda ayaana imminka rabta in ey dhibaatadaas xal u hesho.

Mustaqbalka ridada dhow ayaa la soo jeediyey in shaqaalaha hey’adaha kala duwan ka hawlgala, kuwaas oo aqoon u leh luqado kala duwan loo adeegsado turjubaan ahaan.

Baahida loo qabo turjubaanada ayaa riddada dheer iyo tan dhowba dalkaan kor u kacey xataa iyadoo ey aad u yaraadeen soogalootigii dalkaan soo galey intii ka danbeysey sanadkii 2015-kii.

Dawladda ayaa dhaqaala dheeraad ah galin doonta sidii  waxbarasho ahaan loogu tababari lahaa turjubaano dheeraad ah siiba in tababaradaas laga hirgaliyo dugsiyada sare ee xirfadaha kala duwan dalkaan lagu barto.

Wasiirka dugsiyada sare iyo cilmi baarista Anna Ekström  ayaa tusaale ahaan u soo qaadatey in turjubaanada dalkaan ka hawlgalaa aysan waxba turjumin waqtiyada ka horeeya tobanka subaxnimo iyo sidoo kale wixii ka danbeeya saddexda galabnimo, wasiiradda ayaa intaas ku dartey in turjumaano dheeraad ah oo la tababaraa aysan waxba soo kordhineyn maadaama  turjubaanadu aysan hawsha laga rabo uga soo dhalaaleyn sidii ugu habooneyd.

Tababaridda turjubaanada ayaa waqti dheer qaadan karta , waxayna dawladdu ridada dhow soo jeedisey in hey’adaha kala ah xafiiska shaqada, santuukha caymiska, hey’adda socdaalka, hey’adda hawlgabka iyo hey’adda canshuuruhu ay si wadajir ah ugu hawlgalaan habka ugu haboon ee loo dardargalin karo isticmaalka turjubaanada.

“Turjubaan la’aantu waa dhibaato aad u weyn, Rugaha caafimaadka ayaana ah meelaha aadka looga baahan yahay. Turjubaan la’aanta goobahaas ka jirtaana waxay sababi kartaa in qofka daawa qaldan loo qoro ama qofkii rugaha caafimaadka u baahdaa uu soo kaxeysto ilmihiisa si ey ugu turjumaan ,arrinkaasina waa mid khatartiisa wata”,  ayey tiri wasiirka dugsiyada sare iyo cilmi baaristaAnna Ekström.

Dawladda ayaa rabta in baaritaano dheeraad ah dhankaas lagu sameeyo kuwaas oo diyaar noqon doona 12-ka bisha december ee sanadka 2018-ka.

Xigasho: SR

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here