Maxaa kala socodaa qiimaha lugu iibsaday saacada ugu qaalisan adduunka?

0

Saacadda ugu qaalisan adduunka ee Role Cosmograph, ayaa dhawaan  la iibiyey ama la gatay. Saacadan ayaa waxaa la siistay adduun gaaraya 17 milyan oo dollarka Mareeykanka ah.

Saacadan la siistay qiimaha intaas la  eg ayaa waxaa ay ka mid tahay noocyadii la sameeyey qarnigii tagay ee labaatanaad, luguna sheegay ineey aheyd kuwii ugu wanagasana. Saacadan oo sidoo kale lugu xaraashayey aqalka xaraash-ka dalkaasi Mareykanka ee la yiraahdo Philips Auction House.

Dhinaca kale fanaanka caanka ah ee u dhashay dalkaasi Mareykanka Paul Newman oo geeriyooday sanadkii 2008-dii, waxaa uu saacadan aadka qaaliga u ah hadiyad ahaan ugu soo iibiyey xaaskiisi la oran jiray Joanne Bedford, iyaduna fanaanad xilligaasi filimadda jisha sanadku markuu ahaa 1968-dii. Waa qiimihii ugu badnaa abid ee saacad lguu iibsado.
Somaliska.com-Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here