Magaaladda Västerås: Taliye ciidan oo xalay gurigiisa kooxo weerareen

0

Booliska gobolka Västmanland,  ayaa caddeeyey in xalay dhowr xabadood laga maqlayey guriga uu degan yahay taliye ciidan oo ka tirsan kuwa heeganka ah. Askarigan ayaa wuxuu deganaa magaaladda Västerås. 

Dhacdadaan oo ah isku day dil oo taliyahaan lala damacsanaa ayaa xalay oo sabti soo galeeysay waxaa dadka deegaanka sheegeen in 3-dii arroornimo ay maqleen dhawaqa rasaas la furay. Guriga la beegsaday ayaa waxaa ku sugnaan taliyaha ciidan iyo qoyskiisa.

Ma jiraan dad ay dhibaato ama dhaawac ka soo gaaray isku daygaasi dil, hase ahaatee madaxa booliska Iswiidhan Dan Eliasson wuxuu sheegay mar uu la hadlayey wargeyska wargeyska Expressen in falkaasi yahay mid lugu bartilmaameedsanayo bulshadda si wax loogu dhibo,  islamarkaasina ay geeysteen dad fulayiin ah. Eliasson ayaa ku sii jeeda magaaladda Västerås ee uu degan yahay taliyehaasi ciidan iyo reeerkiisa.

Somaliska.com/Västerås

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here