Madaxihii hore ee sirdoonka Denmark oo dhaleeceyey wasiiraddii socdaalka

0

Madaxii hore ee sirdoonka dalkaasi Deenmaark Hans Jørgen Bonnichsen ayaa dhaleeceyn dusha uga tuuray wasiirada socdaalka haweeneyda lugu magacaabo Inger Støjberg oo dhawaan barteeda facebook soo dhigtay sawir gacmeed fool xun oo horey nin xag jir ah uga sawiray suubannaheena Nabi Muxamed NNKH.

Wwareeysi uu siiyey warsidaha Altinget ayuu sheegay in hadalka wasiiraddu uu halis gelinayo ammanka dalkaasi. Islamarkaasina kooxaha argagaxisada ah ay fursad u siineeyso ineey ficilka noocaan ah ku so jiitaan dhalinyaradda muslimiinta ah ee dalkaasi ku nool. Hans Jørgen Bonnichsen ayaa sidoo kale farta ku fiiqay in hey’adaha dalkaasi iyo goobaha ay bulshaddu ku badan tahay yihiin kuwo aaney ilaalin sirdoonka iyo ciidamada amaanka islamarkaasina noqon karta hadaf ay bartilmaameedsadaan kooxaha argagaxisada ah.

Dhinaca kale wuxuu aad u dhaliilay sida wasiiradu u adeegsatay xorriyadda hadalka oo ku tilmaamay mid aan ku habooneyn qof mas’uul sheeganaya inuu ku kaco fal keeni kara cawaaqib xummo.Waxaa isagoo aad ugu dheeraday eedeynta wasiirada sheegay in markii ugu horeeysay ee sawiradan foosha xuni daabaco wargeys lugu mgacaabo Jyllands Posten sanadkii 2005-ta uu goob joog u ahaa ficiladii ay reebtay, kuna rajo weynaa in uu mar la ilaawo, hase ahaatee ay markale dib u soo cubooneeysiiso qof xil wasiir haya ay tahay mid si toos ah halis u gelinaya amaanka guud ee dalkaasi.

Ugu dambeyntiina haweeneyda wasiirada lugu sheegay ayaa toddobaad ka hor waxaa barteeda ay ku leedahay facebook-ga soo dhigtay sawirkaasi lugu aflagaadeeynayo Nabi Muxamed NNKH, ku tilmaantay inuu yahay sawirka au ugu jeceshahay ee ka tarjumaya xorriyadda hadalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here