Taliyaha ciidanka Booliska Iswiidhan oo baarlamaanku looga yeeray

0
Taliyaha ciidanka booliska Iswiidhan, Dan Eliasson

Guddi katirsan guddi hoosaaska baarlamaanka Iswiidhan ee u qaabilsan arrimaha caddaaladda ayaa u yeeray taliyaha ciidanka Dan Eliasson iyo wasiirka caddaaladda Morgan Johansson.

Labaddan mas’uul ayaa waxaa wax laga weydiin doona su,aallo la xiriira faddeexadda dhanka ammanka teknoolojiyadda ee IT-ga oo la sheegay in boolisku qeyb ku yeeshay. Arrimaha wax laga weydiin doono ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah macluumaad ay idaacadda Iswiidhan laanteeda wararka u qaabilsan ee Ekot oo kaashaneeysa laanta P4 ee isla idaacadda ay daaha ka roggeen dayaca ka muuqda iyo ammaan la’aanta la xirririta

Mas’uuliyiintaan u yeeritaankooda waxaa gundhig u ah ka dib markii idaacadda Sweden ay kashiftey amaan la’aan la maareeynta  maamulka ciidamada booliiska ee mushaarada ciidamada loo bixiyo iyo diiwaangalintooda intaba.

Idaacadda Ekot ayaa toddobaadyo ka hor soo bandhigtay warar sheegaya in Dan Eliasson oo ah madaxa booliska booliska Iwiidhan, uu sanadkii 2015-kii, go’aamiyey in maamulka ciidammadda iyo habka loo bixiyo mushaaraadkooda loo ogolaado ineey maareeyaan shirkado  gaar loo leeyahay, waxaana warbixinta ay sheegtay in uu hareer maray  xeyndaabka amni ee maamulka ciidamada. Dan Eliasson ayaa iska fogeeyey eedeymahaas loo heeysto.

Fadeexadda la xirriirta IT-ga ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa ay hadalheeynteeda aad u badatay, iyadoo ay keentay ugu dambeyntii in wasiiro iyo mas’uuliyiin laga qaado xilalka.

Somaliska.com-Göteborg

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here