Reer galbeedka oo walaac ka muujiyey tijaabadda Nukliyeerka ee Kuuriyadda W

0

Dalalka reer Galbeedka ayaa walaac ka muujiyey tijaabadda ay Kuuriyadda waqooyi maanta oo axad ah tijaabisay gantalaaha xambaari kara sunta Nukliyeerka. Dowladdaha Faransiiska, Ruush-ka, Shiinaha iyo Dowladda Mareykanka ayaa cambaareyey talaabadan.

Kulan deg deg oo maanta iskugu imanayo gollaha ammaanka Qarammadda Midoobay ayaa looga arrinsanayaa iska dhaga tirka maamulka Pyongyang baaqayada Qarammadda Midoobay iyo cadaadiska caalamiga ah ee ku aaddan hubka nukliyeerka ah ee ay sameysanayso iyo tijaabooyinka  gantaallada la sheegayo ineey gaaraan Mareykanka.

Midowga Yurub ayaa doonaya ineey xoojiyaan cuno qabateeynta dalkaas saaran, waxaana madaxweyneyaasha Faransiiska iyo Jarmalka ay aad u cambaareeyeen tijaabaddan Kuuriyada Waqootiye ee ay maanta sameeysay. Madaxweyne  Trump-ka Mareykanka oo aad u cambaareeynaya falkaasi, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka soo dhigay in “hadallada iyo ficillada” Kuuriyada Waqooyi ay yihiin “kuwo colaado hurinaya oo qatar ah”

Dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa marar badan waxaa uu tijaabiyey gantaalo ay ridadoodu dheereyso oo qaaradaha iskaga gudbi kara, kuwaas oo suuragal ah ineey xambaarsan yihiin sunta wax gumaada ee Nukliyeer-ka.

Somaliska.com/Wakaaldaha wararka

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here