Maxeey ahay sababta ay ugu adag tahay soomaalida leeysinka tagaasida?

0

Qaadashada leeysinka ma ahan wax sahalan sideedaba, saas oo ay tahayna leeysinka dalkaan laga bixiyo waxaa uu leeyahay heer kala duwan oo la xirriira gaadiidka kala duwan ee qofku rabbo inuu wado.

Haddaba  ajaaniibta dalka ku cusub ee soomaalida iyo suuriyaanka dalka yimid mudooyinkii ugu dambeeyey ayaa waxaa ku adkaatay qaadashada leeysinkka taasigadd sababo la xirriira Soomaaliya iyo Suuriya oo waraaqaha cadeeyn aan la aqoonsaneyn, saas oo ay tahayna waxaa jira soomaalida badan oo wada gaadiidka kala duwan ee ka howl gala magaalooyinka dalka.

Hadaba mid ka mid ah soomaalida Iswiidhan oo u waramayey idaacadda raadiyo Iswiidhan ayaa suuragal u noqotay inuu dhawaan qaato leeysinka taksiga, balse sheegay in qaadashada leeysinka taksiga ku noqotay howl dheer oo dhinaca hey’adda gaadiidka ee iyada bixisa leeysinka ay ciddeey doonto sii ama u diido. Wuxuu sheegay in hey’adda ay warqad ay u soo dirtay ay ku wargelisay ineey u diiday. Hey’adda ayaa sabab uga dhigtay diidmadda hore warqad cadeeyn ah oo la xirriira in ciidanka ammaanka ka keeno caddeeyn iyo in  aanu dembi ah gelin shantii sannadood ee noloshiisa ugu dambeeysay

-Xeerkan waxaa loo dejiyey xuquuqda rakaabka in lagu ilaaliyo, ma ahan mid loo soo dejiyey in lagu dhowro xuquuqda qaadashada laysanka kaxeeynta tagaasida” Sidaas waxaa yiri Markus Edsbagge oo ah  madaxa laanta leeysinadda gawaarida ee hayadda gaadiidka oo wareeysi siiyey laanta afka soomalaiga ee raadiyo Iswiidhan.

Idaacadda oo la xiriirtay qaar ka mid ah shirkadaha mulkida u leh tagaasida ayaa sheegay in aaney wax fikir ah ka qabin xeerka u deg-san hayadda. Hase yeeshee uu madaxa suuq-geeynta shirkadda Sveriges Taxi Frederick Scholander uu aamin-san yahay inuu yahay sharci gaboobay oo loo baahan yahay wax ka bedel in lagu sameeyo maadaama buu yiri shirkaddiisa oo qur ahi u baahan tahay ugu yaraan 400-500 oo dareewallo iminkadan la joogo..

“Dadka ay shuruuddani qabaneeyso ayaan wax dembi ah ku laheyn xaaladda ey waddammadoodu ku sugan yihiin. Haddii uu shakhsigu muddo afar sannadood ah dalka ku sugnaa oo aannu wax dembi ah ku gelin, hase yeeshee aannu heey-san warqaddaa caddeeynta ee laga dooneyo ma uu wadi karo taksi, iyada oo shirkadaha tagaasiduna baadi-goob ugu jiraan dareewallo ey howl-geliyaan”  Sidaas waxaa yiri, Frederick Scholander.

Jeylaani Muuse Nuux ayaan marna lagu war-gelin shuruudda loogu diidey laysanka tagaasida, iyada oo ay weliba kaga baxday lacag tobaneeyo kun kor u dhaafeeysa. Mustaqbalkan uu ku khasbanaan doono inuu intiiyoo kale maro kolka ey shan sannadood u buux-samaan.

Xigasho raadiyo Iswiidhan/laanta soomaaliga

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here