Finland oo ay hey’ad carruurta u dooda ku baaqday in la jiiyo gudniinka wiilasha

0

Hey’adda u dooda carruurta dalkaasi Finland ayaa ku baaqday in gebi ahaanba la joojiyo gudniinka wiilasha iyo gabdhaha, islamarkaasina loo diyaar garoobo siddii loo sameeyn lahaa sharci diidaya.

Madaxa hey’addaas  Tuomas Kurttila, ayaa sheegay in uu doonayo in wasaaradda caafimaadka iyo hey’adda arrimaha bulshadda ay diyaariyaan hindise lugu joojinayo gudniinka wiilasha dalkaasi. Kurttila waxaa uu sheegay in ay waajib tahay in bulshadda ku baraarugto gudniinka aan salka caafimaadka iyo daaweeynta.

” Waa inaan ogaana in gudniinka wiilasha iyo gabdhah ay yihiin dhaqan dhaawac geeysanaya una baahan in sharciga lala tiigsado” ayuu yiri.

Dalka Finland iyo dalalka ku yaala dunida Galbeedka ayaa gudniinka lugula kaco gabdhaha waxaa uu yahay jir lugula kaco gabdhaha islamarkaasina ka ah mamnuun in lugu sameeyo. Balse wiilasha haatan loo arko mid aan xagga caafimaad ku habooneyn. Sidaas si la mid ah ayaa gudniinka wiilasha uu dalka Iswiidhan uga yahay qudhiisa mid tacadi loo geeysanayo korka wiilasha kana soo horjeeda xaquuqdiisa. Waloow ay jiraan meelo lugu gudo.

Somaliska.com-Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here