Carl Bildt oo diiday in uu qabto xilka gudoomiyenimadda xisbigga Moderat-ka

0

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Iswiidhan islamarkaasina ka tirsan xisbigga Moderaterna, ayaa diiday inuu xilka gudoomiyenimo ee xisbigaasi qabto, hadalkan ayuu sheegay ka dib dib markii wargeyska Expressen barnaamijkiisa “Siyaasadda oo keliya” lugu weydiiyey in uu hogaanka xisbigaasi qabanayo  haddii laga codsado.

45% (afartan iyo shan boqolkiiba) oo ka mid ah taageerayasha xisbiga ayaa doonaya in Carl Bildt qabto hogaanka xisbiga oo haatan u muuqda mid lumiyey maqaamkiisii siyaasadeed. Tiro kooban ayaa waxaa wada jir u iskaga kaashaday sameeyntiisa DN/Ipsos.  Dhinaca kale bisha oktoobar ee fooda innugu soo heeysa ayaa lugu balansan yahay in la doorto hogaamiyaha badali doona Anna Kinberg Batra, oo iyadu xilka wareejisay ka dib markii xubno badan oo ka tirsan xisbigga ay shaaciyeen ineeysan kalsooni siyaasadeed ku qabin.

Mahan Carl Bildt oo keliya shaqsiyaadka farta lugu fiiqayo ee la doonayo ineey qabtaan hogaanka xisbigga, waxaa isna dhinaca kale taageerayaal badanidoonayaan lahaayeen in wasiirkii hore ee gaashandhiga Mikael Odenberg loo doorto xilkaas. Balse marka la bar bardhigo Carl Bildt waxaa uu muuqdaa mid hogaanka qaban doona sida ay aaminsan yihiin. Ugu dambeeyntiina Carl Bildt, waxaa  uuu sheegay inuusan diyaar u ogeeyn qabashada xilkaas, balse ka taageerayo dhinac badan oo xisbigu u baahan yahay.

Somaliska.com-Göteborg

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here