Xisbiga Vänsterpartiet-ka: “Xarruumaha caafimaadka degmmadda ha shaqeeyaan 24 saac”

0

Xisbiga garabka biddix ee Vänsterpartiet-ka, ayaa ku baaqaya hindise ah in xarruumaha caafimaadka (vårdcentral-ka) ee goboladda dalka noqdaan kuwo shaqeeya ama adeegooda la helo 24 saac. 

Gudoomiyaha  xisbigaasi Jonas Sjöstedt oo shir jaraa’id ku qabtay Almedalen ee ay ku urrurusan yihiin siyaasiinta xisbiyada iyo madaxda dalka, ayaa sheegay sababta hadalkiisa ka dambeeysa ay tahay iyadoo xarruumaha caafimaadka deg dega ee gobolada dalka yihiin kuwo booqashadoodu badan tahay saf dheerna loogu jiro. Fikirkaan ayuu sheegay ineey misna tahay in xarruumaha caafimaadka ee degmooyinka mas’uul ka yihiin daryeel caafimaad oo aan maalinta ku xigta mudneyn in lala sugo.

“Dad badan ayaa xaalado deg deg ah u aado gar gaarka deg dega ah ee akut-ka, laakin aan xaalado deg deg ahi heeyb oo caafimaad oo ay u baahan yihiin oo keliya gacan qabasho caafimaad iyo dhaqtar guud” ayuu yiri Jonas Sjösted, oo tilmaamaya muhiimadda ay leedahay in saacadaha loo kordhiyo xarruumaha caafimaadyada ee vårdcentral-ka si bukaanka uga faa’iideeystaan. Sjöstedt  waxaa kale oo uu sheegay in baaritaan  la sameeyey lugu ogaaday in hindisahan u baahneyn inuu ku kaco lacag dheeri ah ee ay noqoto uun keliya kan caadiga ah ee maalintii,balse la xaqiijiyo in muhiimada la saaro daryeelka caafimaad.

“Laakin waa mid ku kaceeysa dhaqaalo badan, waxaana  isku dayeynaa inaan wadahadal ka galno lacagta sharuuda ah” ayuu yiri markale Jonas Sjösted.
Hindisahan ayaa ugu dambeyntii ka dhignaan karta isbadal lugu sameeyo xeerka u degsan caafimaadka iyo daryeelka caafimaad ee dalkaan Iswiidhan.

Somaliska.com-Göteborg

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here