Xarruntii geela ee la doonayey in Göteborg laga hirgeliyo oo lacago faraqa loo heeysto

0

Kooxo doonayey ineey magaaladda Göteborg ka hirgeliso mashruuc loogu magac daray “Xarrunta Geela” ayaa haatan farqaha waxaa loo heeysta ineey dib u soo celiyaan lacago nus malyan ah oo la siiyey bishii diseember sanadkii 2105-tii si loogu fuliyo mashruucaasi.

Mashruucan oo sida la sheegay ladoonayey inuu qeyb ka noqdo is dhex galka iyo shaqo siin dadyowga ka fog suuqa shaqadda soomaaliduna, ayaa ugu dambeyntii maamulka demgadda ugu yabooheen lacag nus malyan oo howshaas lugu fulinayo, waxeeyse u muuqatay mid siddii la filaayey aan noqon oo dib u dhac ku yimid dhismihihiisi.. Maamulka gobolka oo muddo sanad ah sugayey in howshaan ka soo baxaan natiijo wax ku ool ah ayaa go’aan ka qaatay bishii abriil ee sanadkan iyagoo dhamaan urruradii iyo kooxihii mashruucan dalbaday ay dib u soo celiyaan.

Geza Nagy oo ah madax ka ah urrur lugu magacaabo föreningen Angered, ayaa sheegay in eeysan suuragal aheyn in lacagtoo dhan la soo wada celiyo iyadoo uu sheegay in qaar ka mid ah lacagta loo adeegsaday dhismaha xarrunta iyo mushaarka shaqaalaha. Muddo toban cisho ah ayaa looga fadhiyaa ineey lacagtaas ku soo celiyaan Geza iyo kooxdiisa haddii kale waxaa loo dirayaa inkasso, sida maamulka gobolka uu sheegay.

Dhinaca kale mid ka mid ah urruradda soomaalida oo la yiraahdo framtids förening, oo qeyb ka ahaa mashruucan waxaa laga doonayaa ineey dib u celiyaan lacag dhan 90.000, ka dib markii lagachaasi loogu talagalay in loo adeegsado talooyin,iyo in shaqooyin dhalinyaradda soo galootiga ah ee dalka ku cusub, hase ahaatee aaneey howshaasi fulin.

Somaliska.com-Göteborg

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here