Sharciyaddii ugu horeeyey ee ku meel gaarka ah oo dhawaan dhacaya

0

Laanta socdaalka dalkan Iswiidhan ayaa daboolka ka qaaday in sharciyadii ku meel gaarka ahaa  kuwoodii ugu horeeyey ay dhacayaan bisha inugu soo fool leh ee agoosto. Laantu waxaa ay sheegtay oo kale in 13.500 ( seddex iyo tobban kun iyo shan boqol) oo dalab in ay fileeyso sanadkan in la soo soo codsado.

“Iminka waxaan heeysta shaqo iyo guri, waxaan rajeeynayaa in aan helo sharci rasmi ah” ayuu yiri Mascuud Xuseen oo ka mid ah dadyowgii ugu horeeyey ee la siiyey sharciga ku meel gaarka ah ee laanta socdaalka bixiyo.

Muddo haatan bil ka yar ayaa ka hartay waqtigii ay dhaci lahaayeen sharciyada ku meel gaarka ah ee laanta socdaalka bixisay kana qeyb ahaa sharciga ay dowladda ka soo saartay, ujeedada ku meel gaarka loodha dhigay ayaa aheyd sidii loo yareeyn lahaa qaxootiga tiradda badan ee dalka ku soo jabay sanadkii 2015-ka.

Ugu dambeyntiina waxaa jira  hab kala duwan oo la sheegay in qofku ku saleeyn karo dalabkiisa cusbooneeysiineed ee la xirriirta shariciga daganaansho, waxaa ka mid ah in loo arko in ay jirto baahidii keentay in la siiyo magangalyo iyo in uu helay shaqo iwm.

Somaliska.com-Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here