Gudoomiyihii gudigga wasaaradda gaadiidka Iswiidhan oo goor dhow is casilay

0

Gudoomiyaha gudigga wasaaradda gaadiidka Rolf Annerberg ayaa xilkiisi dhiibay sida ay sheegtay wasiiradda Iswiidhan ee u qaabilsan agaasinka xogta dalka iyo is gaarsiinta Anna Johansson.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli ay soo baxeen warar sheegaya in xogta dalka ee gaadiidka Iswiidhan si sahlan loo heli karo oo ay maareeynteeda arrintaan gacan kula jiraan shaqsiyaad dalal kale degan. Taas oo misna ka dhigan in dhamaan taarkada iyo leeysinada dadka Iswiidhan aaneey aheyn xog dahsoon.

Waa maxay Infrastruktur-ku?

Infrastruktur waa waa  hagge dal horumaray hanaanka ay u shaqeeyaan hey’adihiisa sida is-gaarsiinta, macluumaadka xogta dalka iyo gaadiidka. Hey’adani la’aanteed dalku ma noqonayo mid fuliya adeegyaddii bulshadda uga baaheyd nolol maalmeedkooda. Sidaas aawadeed ayaa xogta ay hey’adani heeyso qeybo ka mid ahi waxaa la sheegay in aaneey dahsooneyn oo dalka dibadiisa laga maareeyo.

Somaliska.com-Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here