Dowladda Iswiidhan oo safiir cusub u magacaabeeysa markale Soomaaliya

0

Qoraal ka soo baxay dowladda Iswiidhan, ayaa lugu sheegay in safiir cusub loo magacaabay Soomaaliya, kaasoo badalaya safiirkii hore ee halkaasi u joogay ee Mikael Lindvall.

Danjirahan cusub oo lugu magacaabaa Andreas von Uexküll, ayaa waxaa uu ahaa madaxii waaxda dhaqaalaha iyo ganacsiga safaaradda Iswiidhan ee Washington, wuxuu howlo ka soo qabtay safaaradda Iswiidhan ee ay ku leedahay magaaladda Tallinn ee caasimadda Island (Iiislaand) iyo Qarammadda Midoobay. 1-da bisha sibteembar ee sanadkan ayuu si rasmi ah ula wareegaya xilka danjirenimo. Waa danjirihii labaad ee Soomaaliya loo magacaabo tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee Soomaaliya sanadka 1991-kii. Waxaa kaga horeyeey Mikael Lindvall oo noqday danjirihii ugu horeeyey halkaasi loo magacaabo bur burkii dowladii dhexe ka dib.

Somaliska.com-Göteborg

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here