Dhalinyarro oo soomaali ah oo dacwad loogu soo oogayo gabar 14 jir ah oo ay kufsadeen

0

Magaaladda Västrås ee dalka Sweden, ayaa saddex nin oo la sheegay ineey yihiin dacwad loogu soo oogayo ka dib markii la sheegay ineey kufsi u geeysteen gabar 14 jir ah. Wiil afaraad oo ka mid ah wiilashaas oo isna falkaasi lugu tuhmayo inuu ku lug leeyahay ayaa ka baaqsanaya dacwada sababo la xirriira da’diisa oo yar.

Falkan oo dhacay habeen ka mid ah bartamihii bishii juun ee ina soo dhaaftay, iyagoo kooxdan gabadha afar iyo tobban . jirka ah ku kufsaday guri ku yaala magaaladasi. Eva Morén oo ah dacwad ooge ku xigeen kiiskan gacanta ku heeysa ayaa maanta dacwad in raggaas lugu soo oogo codsatay iyadoo misna sheegtay in gabadha la kufsaday ay dhalatay 2o02-dii.

“Waxaan codsaday in la dacwad lugu soo oogo, balse waqtiga dacwada la furi doono weli lama sheegin” ayey tiri .Kooxdan soomaalida ah ayaa sida saxaafaddu xustay waxaa ay dhawaana ay labaddii sanno ee ugu dambeeysay ay reeraha wiilashaasi qaateen dhalashada dalka hase ahaatee sida wargeys xagga afkaarta fog u jan jeenro is weydiiyey ayaa ah in dad noocaas ahi ay dhalashadda dalka u qalmaan iyo in kale, iyadoo tanina tahay falkii ugu horeeyey oo fool xun oo ay ku kacaan dhalintaasi soomaalida ah.

Dhalinyaradda soomaalida ee qaarkood dalkaan ku dhashay ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa ay qeyb ka noqdeen falal dambiyeed badan oo dhinaca dhaca iyo dilka ay ka mid yihiin. Arrimahaana ayaa walaac ku abuuray qoysas badan oo soomaaliyeed.

Somaliska.com-Göteborg

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here