Daawo ka mid ah kuwa hargabka oo laga yaabo ineey quraarado ku jiraan

0

Daawoodda ama sharoobadda loo cabo haragbka, islamarkaasina lugu iibiyo farmashiyaha ayaa haatan la amray in dib loo soo celiyo, ka dib markii la tilmaamay in ay ku jiri karaan quraarado ja jabay.

Nooca daawadan hargabka loogu talagalay ayaa lugu magacaabaa Theracough, waxaana warshadda soo saarta oo la yiraahdo Glaxo Smith Kline Consumer Healthcare, ay tilmaantay in daawadan ay ku jiraan dhalooyin gaa gaaban gaar ahaan kuwa 20/mg/ml (miligaraam iyo mililiter-ka).

Nooca daawadan ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in waqtigoodu dhacayo bisha febraayo sanadka 2022 (labbo kun labbo iyo labaatan-ka). Warshadu waxaa ay sheegtay in laga yaabo in ay quraarado bur burtay ay ku dhex jir karaan oo ay soo raaceen, sidaas aawgeedna waxaa loogu baaqay dadweynaha iibsaday noocaas in ay dib ugu celiyaan farmashiyahii ay ka soo iibsadeen.

Nooca daawadan ayaa iibintooda waxaa ay jirtay tan iyo bishan aynu ku jirno luulyo. Ugu dambeyntii daawadan hargabka  ayaa ah nooc ka mid ah kuwa lugu sameeyo dalka.

Somaliska.com-Göteborg
AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here