Weeraradii London raggii fuliyey oo la shaaciyey magacyadoodii iyo muuqaalkoodi

0

Booliska dalka Ingiriiska ayaa shaaciyey magacyada iyo wejiyadda labbo nin oo la sheegay ineey ka dambeeyeen weerarkii habeen hore lugu qaaday magaaladda London oo ay ku dhinteen toddobbo ruux.

Labbo nin oo lugu kala magacaabo Khuram Shazad Butt iyo Reduouane, ayaa boolisku sheegeen ineey yihiin kuwii ka dambbeeyey weerarkii mindiyaha ahaa ee lugu laayey dadyow dul marayey buundada London Bridge. Boolisku waxaa kale oo ay sheegeen in baaritaan xoogan ka hayaan siddii ay ogaan lahaayeen ciddi ay raggaasi xirriiradda la lahaa iyo qaabkii loo fuliyey weeraradda.

Booliska waxaa ay sheegeen in ninka lugu magacaabo Khuram Shazad Butt ay xogtiisa hayeen, halka kan kale ee Rachid Redouanen lugu magacaabo aaneye aqoon u laheyn. Kooxda Daacish ayaa weerarkii London maanta shaaca ka qaaday ineey ka dambeeyeen, waxeey sidoo kale kooxdani ugu baaqday dadka fikirkooda xagjirnimada ah aaminsan ineey falal noocaas ah ay ka geeystaan dunida galbeedka. Waa falkii seddexaad oo muddo gaaban gudaheed lugu qaado dalka Ingiriiska oo ay kooxdani sheegatay iney ku lug laheeyd.

Somaliska/Wakaaladaha wararka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here