Waa kee baasaboorka soomaaliga ee ay Noorweey sheegtay in eey aqoonsan tahay?

0

Sida ay maanta qortay wakaaladda wararka Soomaaliya u faafisa ee SONNA, ayaa iyadoo soo xiganeeysaAgaasimaha  hey’adda socdaalka iyo jinsiyaddaha Maxamed Aadam  Koofi sheegtay in dowladdda Noorweey ay aqoonsan tahay baasaboorka soomaaliga ah, gaar ahaan kan ay qaataan mas’uuliyiinta iyo diblomaasiyiinta.

Koofi ayaa sidoo kale u sheegay wakaaladda wararka Sonna in Dowladda Noorweey ay dhamaadka sanadkan u soo direeysa qubaro eeggaya hanaanka looga bixisyo baasabaarkaasi,

“Baasaboorkiina waa baasaboor mid elektorooni, lagu kalsoonaan karo iyo cidda mas’uul ka ah, oo aan  u sharaxney waana nala qaateen, waxaana rajeynaynaa in ay imaan doonaan Soomaaliya sanadkan qolyo u qaabilsan aqoonsiga documentiyada kadibna ay qiimeyn ku sameyn doonaan,” ayuu yiri Koofi oo sharxayey sida Noorweey ay u aragto baasaboorka soomaaliga ee eeysan weli aqoonsaneyn.

Dhinca kale Koofi waxaa uu ku baaqay  in madaxda dowladda iyo dhammaan shacabka soomaaliyeed,ee ay qaataan baasaboorka soomaaliga mark ay ka qeyb galayaan shirar caalami ah waa sida uu hadalka u dhigaye, kuwaas oo uu sheegay ineey heeystaan baasabooro ajanabi ah. Wuxuu tilmaamay in tani ay qiimovu yeeleeyso iyo macno haddii madaxda iyo mas’uuliyiinta soomalida ay qaataan.

Hadalka Koofi ayaa ugu dambeeyntii waxaa uu ku soo boogmaya xilli Koofi dhawaan Noorweey soo gaaray isagoo la kulmay qaar ka mid ah mas’uulyiinta Noorweey ee dhinaca socdaalka u qaabilsan, sidoo kalena wasiirkii arrimaha dibadda uu isagana tagay maalmo ka hor islamarkaasina la kulmay jaaliyada soomaalida. Taas oo ay jiro ayaa hadana waxaa weli jira dhibaatooyin ay soomaalida Noorweey qaarkood lagala noqday sharciyada.

Baasaboorka soomaaliga ayaa wuxuu ahaa mid caalamka ay diideen wixii ka dambeeyey dowladdii dhexe, sababo la xiriira dalka oo aan laheyn dowlad ka talisa, islamarkaasina xakameeyn karta been abuurka lugu sameeyo baasabooradda, tiiyoo ay jirto ayaa hadna waxaa marar badan dhacday in baasaboorka soomaaliga lugu farsameeyo suuqyada magaaladda Muqdisho. Tan ugu cajiibsana waxeey aheyd markii nin weriye cadaan ah muddo 20 daqiiqo gudaheed loogu sameeyey baasaboor soomaali ah, ka dib markuu bixiyey 100 dollar, taasina waxeey muujisay sida uusan u aheyn mid sax ah oo cidkasta  u sahlan tahay qaadashadiisa.

Somaliska.com-Göteborg

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here